Logo Lanfrica

FALANQAYNTA CAQABADAHA HOR TAAGAN WADDADA CEELDAAHIR ILLAA CEERIGAABO IYO XALALKOODA

Domain:

socioeconomicmobility

Record type:

paper
Creator:
OsmDua
Editor:
Cal
Publisher:
Zenodo
Host:avatar
Waddada Ceeldaahir Ceerigaabo oo dherer ahaan ah 220km, waa mashruuc isku tashi oo bilaabmay 2015kii, halka shaqada waddaduna ay bilaabatay 2016kii. Waxa ay waddadu socotaa muddo sagaal sanno iyo laba bilood ah, marka aynu ka soo bilowno waqtigii la magacaabay guddida, iyada oo 120km la saaray caratuur, halka 30km oo kaliya laga dhigay laami (la saaray daamur). Daraasaddani waxa ay ka jawaabaysaa caqabadaha hortaagan waddada iyo xalalkooda. Daraasaddan waxaa lagu waraystay dadyow kala ah; aqoonyahanno, haween, odayaal iyo waxgarad war badan u haya waddada, kuwaas oo loo qabtay wadahadal dood kooxeed iyo waraysiyo gaar gaar ah. Dadka aan waraysannay tiro ahaan waxa ay yihiin; 40 qof oo lala yeeshay waraysi gaar gaar ah iyo lix dood kooxeed oo kooxdiiba ka kooban tahay sideed qof. Sidoo kale, waxa aan waraysi la yeelanay Gudoomiyaha Guddida Waddada Ceeldaahir Ceerigaabo. Natiijada daraasadda ayaa tilmaamaysa in dadku u arkaan cidda ay waddadu ka socon la’ dahay saddex kooxood: Guddida 54%, Dawladda 33% iyo Shacabka 13%. Waxa ay caqabaddana u arkaan: 45% waxa ay caqabadda waddada u arkaan maamul xumo. Caqabadaha kale ee ay jawaab bixiyayaashu sheegeen waxay kala ahaayeen: 12% dhaqaale, 15% matalaad la’aan, 18% isla xisaabtan la’aan, 3% wacyigalin iyo u qareemid la’aan, 2% farsamo xumo iyo 5% arrimo kale. Dadka aan waraysannay waxa ay xalka u arkaan: 27% waxa ay xalka u arkaan in la bedelo guddida waddada Ceeldaahir Ceerigaabo. 24% waxa ay xal u arkaan in lala xisaabtamo. 17% in dawladdu muhiimadda koowaad siiso waddada. 15% in shirkad gaar ah lagu wareejiyo waddada. 3% in qaaraanka waddada dib loo bilaabo. 4% in dawladdu xoojiso qoondada kaga aadan waddada. 10% ayaa tilmaamay xalal kale. Waxaan ku talo bixinaynaa in cid walba oo danaysa arrimaha Soomaaliya, Puntland iyo Sanaagba in waddada isku xiraysa Bari iyo Galbeed ee muhiimadda gaarka ah u leh dhaqaalaha iyo isu socodka bulshada Soomaaliyeed ay uga baahan tahay garab istaag ku sallaysan sidii loo dhammaystiri lahaa waddada Ceeldaahir Ceerigaabo. Sidoo kale, in qurjbajoogta Soomaaliyeed ay ka qaataan doorkooda kaga aadan dhammaystirka waddada.