Logo Lanfrica

Kannow77/somali-data-analysis-course

Domain:

educationnatural language processing
Creator:
Kan
Host:
Somali-first data analysis course covering Excel, SQL, Power BI, Python, statistics and portfolio projects # Falanqaynta Xogta: Koorso Soomaali ah Koorso Data Analysis oo ardayga Soomaaliyeed ka qaadaysa **eber ilaa portfolio shaqo lagu dalban karo**. Casharradu waxay isku xiraan fikirka analyst-ka, Excel, SQL, Power BI, Python, statistics iyo real-world projects ku salaysan xaalado Soomaaliya laga fahmi karo. ## Waxa koorsadan ka duwan - Af-Soomaali cad; technical terms-ka English-ka ahna waa la sharxayaa. - Hal business case ayaa qalab kasta lagu dabaqayaa si ardaygu u fahmo xiriirkooda. - Cashar kasta wuxuu leeyahay: ujeeddo, sharaxaad, tusaale, guided practice, assignment iyo deliverable. - Mashruucyadu waxay ku saabsan yihiin dukaan, mobile money, NGO monitoring, waxbarasho iyo adeegyo maxalli ah. - Waxaa xoogga la saarayaa insight iyo decision-making, ma aha buttons iyo syntax oo keliya. ## Halkee laga bilaabayaa? Casharka koowaad waa **“Data Analysis waa maxay, maxaase muhiim ka dhigaya?”** Ardaygu waa inuu marka hore barto sida su'aal aan caddayn loogu beddelo su'aal xog lagu jawaabi karo. Tool-ka waxaa la bartaa kadib marka la fahmo dhibaatada. Bilow: `00-bilow-halkan/01-data-analysis-waa-maxay.md` ## Learning path | Qaybta | Mawduuca | Natiijada ardayga | |---|---|---| | 0 | Bilow halkan | Faham analyst-ka, workflow-ga iyo anshaxa xogta | | 1 | Aasaaska xogta | Rows, columns, data types, quality iyo KPIs | | 2 | Excel | Cleaning, formulas, lookups, PivotTables iyo dashboard | | 3 | SQL | SELECT ilaa joins, CTEs iyo window functions | | 4 | Power BI | Power Query, model, DAX, visuals iyo storytelling | | 5 | Python | pandas, cleaning, EDA, visualization iyo automation | | 6 | Statistics | Center, spread, sampling, correlation iyo uncertainty | | 7 | Portfolio | End-to-end projects iyo presentation | ## Qaabka cashar kasta 1. **Su'aasha maanta** — maxay tahay dhibaatada la xallinayo? 2. **Fikradda muhiimka ah** — explanation gaaban oo Somali ah. 3. **Real-world example** — tusaale ganacsi ama adeeg Soomaaliyeed. 4. **Macallinku sameeyo** — live demonstr …